Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha  Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay sharciga Isgaarsiinta Qaranka, kadib munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana sidoo kale munaasabaddaasi ka qeyb galay madax ka tirsan dowladda oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Aqalka Sare, Kusimaha Guddoomiyaha Golaha shacabka, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole.

Dhawaan ayey ahayd markii xildhibaanada Golaha shacabka iyo kuwa Aqalka sare ay meel mariyeen sharcigaasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya.

Sharcigan oo marxalada kala duwan soo maray ayaa  waxaa ugu dambeyn madaxweynuhu Saxiixay maanta, iyadoona sidaasi uu ku noqonayo dhaqan gal.

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-