Boosaaso ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta Khudbad u jeedinayay Ciidamo ka tirsan kuwa Badda ee maamulkaasi ayaa ku soo hadal qaaday arrimo ku aadan dowladda Imaaraadka Carabta.

C/weli Maxamed Cali Gaasi ayaa ugu horreyn sheegay in xiriir wanaagsan uu ka dhexeeyo Puntland iyo Imaaraadka, kaas oo ku dhisan Isfaham iyo iskaashi intaba.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in dowladda Imaaraadka maamulkiisu ay siiso taageero milatari iyo mid tababar.

Ugu dambeyn Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay in aysan jirin cid u bedali karta Imaaraadka, marka loo eego waxyaabihii uu qabtay.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.