Garoowe ( Sh. M. Network )-C/weli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland oo maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulkaasi ayaa ka hadlay xiisada dagaal ee ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Madaxweyne Gaas ayaa ugu horreyn hambalyo u diray Ciidamada Puntland oo uu tilmaamay in mar weliba ay u taagan yihiin difaaca dhulkooda.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ku baaqay dagaal ka dhan ah Soomaaliland, waxaana uu ka dalbaday shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi in ay u diyaar garoobaan dagaalkaasi.

Xiisad u dhexeysa labada maamul ee Soomaaliland iyo Puntland ayaa weli ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay shalay ku dagaalameen dhinacyadaasi.