Jalalaqsi (Sh M Network)—Wafdi ballaaran uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Dr. Maxamed Cabdi Waare ayaa gaaray Magaalada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Madaxweyne Waare ayaa si diiran waxaa loogu soo dhaweeyay Magaalada Jalalaqsi ee bartamaha Soomaaliya.

Mudane Waare ayaa markii uu gaaray halkaasi waxuu durbaba kalamo kala duwan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Waxaa uu kala hadlay Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, sidii la isugu furi la haa Waddooyinka go’doonsan ee Degaanada Gobolka Hiiraan.

Madaxwynaha Hirshabelle ayaa booqasho ku tagay Degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan tan iyo markii dhawaan lagu soo doortay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe.