Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxgaradka ka soo jeeda deegaanada HirShabelle ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare in uu dayacay howlihii loo igmaday.
Nabadoon Xasan Hilowle Ismaan (Xasan Kacaan ) oo ka mid ah Waxgaradkaasi ayaa xusay in Madaxweyne Waare uu ka soo bixi waayay masuuliyaddii loo dhiibtay, sida uu hadalka u dhigay.
Waxaana uu hoosta ka xariiqay Nabadoonku in haatan uu u soo jeestay duminta Qaranka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn Nabadoon Xasan Kacaan ayaa ugu baaqay Maxamed Cabdi Waare in uu iska Casilo xilka Madaxweynaha maamulka HirShabelle.
Halkan hoose ka dhegeyso Codka.