Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” ayaa sheegay in Maamulkiisa uu dib u bilaabayo wada hadalkii u dhexeeyay Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Waxaana uu ugu baaqay Xildhibaanada labada Gole ee ka soo jeeda deegaanada Maamulkaasi Galmudug in ay ku garab siiyaan wada hadalka Ahlu Sunna, si xal waara looga gaaro khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa hoosta ka xariiqay in caqabadaha heysta Galmudug ay ugu daran tahay Colaada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Waxaana uu tilmaamay in ay muhiim tahay in heshiis dhab ah laga gaaro xiisada Gaalkacyo, si loo xoojiyo Nabadda Magaaladaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, xilli weli deegaano ka tirsan Mudug ay ka taagan tahay xiisad u dhexeysa Maleeshiyaad kala taabacsan Maamullada Galmudug iyo Puntland, kuwaas oo dhowr jeer ku dagaalamay Duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolkaasi.