Dhuusomareeb ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa lagu soo warramayaa in maanta kulamo gooni gooni ah uu ka wado magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi.

Kulamadan ayaa la sheegay in Madaxweyne Xaaf uu la qaatay mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee deegaanada Galmudug.

Inta badan kulamadan ayaa diirda lagu saaray xaaladda Galmudug iyo sida loo xalin karo khilaafka weli ka jira mamulkaasi.

Muddooyinkii dambe Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa waday wadatashiyo guud oo la lagu xalinayo khilaafka ka dhex jira hoggaanka sare ee Galmudug.