Muqdisho ( Sh. M. Network )-Axmed Maxamed “Caalin” madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug, kana mid ahaa saxiixayaashii Roodmaabka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dhaqan galka heshiiska ay wada gaareen madaxda dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada.

Waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in la dhameestiro qabyo qoraalka Dastuurka dalka, sidoo kalena la dedajiyo hirgelinta maxkamadda Dastuuriga, taasi oo uu xusay in ay meesha ka saari karto khilaafaadka soo laa laabtay ee dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Dhinaca kale madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Maxamed “Caalin” ayaa hoosta ka xariiqay in Baarlamaanka Soomaaliya uu ka gaabiyay howshiisa ahayd sharci dajinta, islamarkaana uu tilmaamay in Xildhibaanadu ay ku mashaquuleen in ay xilal ka raadiyaan Xukuumadda, sida hadalka u dhigay.

Waxaana uu shaaca ka qaaday in hay’ad walbo looga baahan yahay in ay shaqadeeda gudato, si loo gaaro hormarka la hiigsanayo.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, xilli shalay ay heshiis wada gaareen Dowladda iyo Dhexe iyo Maamul Goboleedyada, kadib markii shir qaatay muddo toddoobaad ah ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.