Dhuusamareeb ( Sh.M.Network):-Wararkalaga helayo Gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaanka Mirig oo qiyaas ahaan 20 km u jirta Magaalada Dhuusamareeb kuna deegaanka Mareer Gur ee Gobolka Galgaduud ayaa ku soo warramaya in 2 qof oo uu ka mid ahaa wadaad caan ahaa oo lagu Magacaabi jiray Macallin Maxamuud lagu dilay halkaasi.

Sidoo kale waxaa halkaas lagu dhaawacay Labo Gabdhood , iyadoona la sheegay in falkaan ay geysteen Maleeshiyaad Hubeysan oo la sheegay in ay uga golleeyihiin aano qabiil arrintaasi.

Cadceed Sheekhdoon Diiriye Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Maamulka Magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug ayaa sidaas Shablle u xaqiijiyay waxaana uu sheegay in ay haatan ku howlan yihiin baaritaanno dheeraad ah.

Deegaanka Falkani uu ka dhacay ayaa waxaa ku baxay Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka Maamulka Galmudug iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in mid ka mid ah Maleeshiyaadkii falkaas geystay ay toogteen Ciidamada Ammaanka Magaalada Dhuusamareb .