Kampala (Sh. M. Network)-Taliyaha howlgalka Mareykanka ee Qaarada Afrika, Joseph P. Harrington  ayaa kulan looga hadlayay howlgalka AMISOM waxa uu la yeeshay Taliyaha Ciidamada Dalka Uganda, Janaraal David Muhoozi.

Taliye Harrington ayaa boqaadiyay doorka Ciidamada Uganda ay ka qaadanayaan howglgalka Nabad Ilaalada ee AMISOM, kaasi oo ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada xaajooday amniga iyo sida ugu wanaagsan ee loo sare qaadi karo awooda Ciidamada Uganda ee AMISOM.

Dhinciisa, Taliyaha Ciidamada Uganda, Janaraal, David Muhoozi ayaa waxu uu tilmaamay in labada dhinac ay iska kaashadaan arrimaha amniga iyo Millatariga.

Muhoozi ayaa carabka ku adkeeyay in muhiim ay tahay in la tayeeyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, si buu yiri looga adkaado Al Shabaab.

Dhawaan ayey ahayd markii Dowladda Uganda ay shaacisay in 12 ka mid ah Ciidamada kaga sugan Soomaaliya lagu dilay weerar ay sheegteen Xarakada Al Shabaab.