Addisa Ababa ( Sh. M. Network )-U qaabilsanaha arrimha Afrika ee Mareykanka Donald Yamamoto oo ka hadlay Booqasho uu ku maray dalal ka mid ah Qaaradda Afrika ayaa sheegay kadib kulan uu la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Deseleng in ay ka wada hadleen sidii DFS u xoojin lahayd la dagaalanka Al Shabaab iyo Kooxda Daacish, si nabad iyo xasilooni loogu soo dabaalo Soomaaliya.

Mr Yamamoto ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Ehiopia uu kala hadlay sidii loo dhameyn lahaa Shaqaaqooyinka Qowmiyadaha ee ka taagan gudaha dalkaasi.

Dhinaca kale mar wax laga weydiiyay jaritaanka Saadkii DowladdA Mareykanku ay siin jirtay Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa waxaa uu ku Jawaabay in ay tahay arrin KMG ah, taas oo lagu xaqiijinayo dhanka isla xisaabtanka.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in Ciidamada DFS ay u baahan yihiin in la siiyo tababar isku mid ah, islamarkaana ay yeeshan hoggaan mideysan.

Dhawaan ayey ahayd markii Dowladda Mareykanka ay ku dhawaaqday in ay jartay Sahaydii  ay siin jirtay Ciidanka milateriga Soomaaliya sababo ay ku sheegeen masuqmaasuq hareeyay Sahaydaasi.