Saakow ( Sh. M. Network )-Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa beeniyay in diyaaradahooda dagaalka ay fuliyeen duqeyntii shalay ka dhacday deegaanka Juwaarey ee Gobolka Jubadda Dhexe.

War ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in aysan duqeyntaasi fulin diyaaradahooda, islamarkaana aysan duqeyntaasi iyagu ka dambaynin.

Weerarkan duqeynta ah ayaa la sheegay in ay ku Geeriyoodeen 8 Qof oo Rayid ahaa, illaa iyo haatana ma jirto cid sheegtay masuuliyaddiisa.

Mareykanka ayaa in ka badan 30 duqeymood ka fuliyay gudaha Soomaaliya, tan iyo  sanadkii la soo dhafay, kuwaas oo ay la beegsadeen dagaalyahannada Al Shabaab.