New York (SMN) – War saxaafadeed ka soo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymo dhinaca cirka ah ay ku dileen 15 ka tirsanaa Al Shabaab.

AFRICOM ayaa xustay in duqeymahani oo ahaa 2 ay Arbacadii  ka fuliyeen meel u dhow deegaanada Gandarshe iyo Bariire oo ka wada tirsan gobolka Sh/  Hoose .

Warbixintani ayaa sidoo kale lagu sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo dadka Rayidka ah ka soo gaaray duqeymahaasi.

Horraantii bishani Mareykanka ayaa sidan oo kale  shaacisay in 13 ka tirsanaa  Al Shabaab ay ku diliyeen agagaarka deegaanka Gandarshe ee gobolkaasi.

Ma jirto illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan duqeymahaasi.

Ciidamada Mareykanka oo gacan siinaya ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM  ayaa inta badan duqeymo cirka ah kageysta koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.