Washington ( Sh. M. Network )-Warbixin ka soo baxday Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu in sheegay duqeyn Cirka ah oo ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen dagaalyahanno ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.

Duqeyntani ayey sheegeen in diyaaradaha Mareykanku ay ka fuliyeen maalinimadii Talaadada meel 50 KM u jirta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Sidoo kale warbxintani ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi ay ku burburiyeen gaari ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa, kaas oo ku soo wajahnaa Magaladaa Muqdisho sida ay hadalka u dhigeen.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha cirka oo ay la bartilmaameedsanayaan fariisimaha Al Shabaab ay ku leeyihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dhawaan ayey ahayd markii warbixin ka soo baxday Mareykanka lagu sheegay in duqeyn ay ka geysteen gobolka Jubbadda Hoose ay ku dileen 13 ka mid ahaa dagaalyahannada Al Shabaab