Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxuu sheegay in markan uu ka walaacsan yahay ka bixitaanka Ciidamada AMISOM ee lagu wado dhamaadka sanadkan 2017-ka.

Afhayeen u hadlay Mareykanka ayaa waxuu sheegay in ujeedka Mareykanka uu uga howlgalayo ay tahay sidii uu u taageeri la haa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Waxaa uu sheegay in Mareykanka uu aaminsan yahay in joogitaanka Ciidamada AMISOM ay u muhiim u tahay amniga Dalka Soomaaliya.

Waxaa uu Afhayeenkan intaasi ku daray in Mareykanka ay ka go’an tahay in uu fuliyo weeraro dhanka circa ah oo lagu beegsanayo Xubnaha ku jira Xarakada Al Shabaab.

Ugu dambeyn, Mareykanka ayaa waxuu shaaciyay in Soomaaliya ay ku soo badanayaan Dagaal yahanada u dirira Ururada Daacish iyo Al Shabaab oo ku sugan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.