Washington ( Sh. M. Network )-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo dalalka Afrikada bari in ay ka taageereyso la dagaalanka Xarakada Al Shabaab ee ka dirirta Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka Gobalka.

Sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka ee dalka Mareykanka ayaa xusay in Al Shabaab ay qorsheynayaan weeraro ay ku qaadaan danaha Mareykanka ee bariga Afrika iyo dalalka uu saaxiibka la yahay.

War qoraal ah oo ka soo baxay dowlada Mareykanka ayaa lagu sheegay in ciidamadeeda ay wadi doonaan la dagaalanka Al Shabaab, isla markaana ay sugi doonaan amniga muwaadiniintooda.

Dowlada Mareykanka ayaa intaasi ku dartay in ay sare u qaadi doonto taageerada ay siiyaan ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, si la isaga kaashaado weeraro lagu qaado xarumaha ay tababarada ku qaataan dagaalyahanada Al Shabaab.

Mareykanka ayaa howlgalkii u dambeeyay ee uu ka sameeyay Soomaaliya ayaa waxaa uu ku sheegtay in diyaaradihiisa dagaalka ay koonfurta Soomaaliya ku dileen Seddex dagaalyahan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab.