New York ( Sh. M. Network )-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in boqolaal Milyan oo Dollar ay ugu deeqeyso qaar ka mid ah dalalka ku yaalla Qaaradda Afrika, gaar ah kuwa ay saameyeen abaaraha iyo colaadaha.

533 Milyan oo Dollar ayuu Mareykanka xaqiijiyay in uu ugu deeqayo dalalkaas, si ay ugu soo kab sadaan dhibaatooyinka heysta.

Dalalka la siinayo Lacagahaasi ayaa waxaa ka mid ah Ethiopia, Soomaaliya, Sudaanta Koofureed iyo qaar ka mid ah dalalka ku yaalla galbeedka iyo bartamaha Qaaradda Afrika.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka Rex Tillerson oo booqasho ku maraya qaar ka mid ah dalalka Qaaradaka Afrika ayaa sheegay in wadamo dhowr ah oo ku yaalla Qaarada ay sameyn ku yeesheen colaado iyo abaaro xoogan

Waxaana uu intaasi ku daray in Mareykanka uu si wadi doono taageerada uu siiyo dalalka ay xasaradaha ka taagan yihiin ee Qaarada Afrika.

Soomaaliya oo ka mid ah dalalka ugu daran ay ka jiraan abaaraha xoogan ayaa la filayaa la soo gaarsiiyo Malaayiin Dollar oo lagu gargaarayo dadka ku barakacay gudaha dalka.