Washington ( Sh. M. Network )-Madaxweyanaha dalka Mareykanka Donald Tump ayaa maanta Safasiir cusub oo u soo magacaabay Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo xafiiska madaxweyne Trump ayaa Safiirka Xukuumadda Washington u fadhin doona Soomaaliya loogu magacaabay Donald Yamamoto.

Mr Yamamoto ayaa ah Diblomaasi sare oo horay xilal dhowr ah uga soo qabtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dakaasi, waxaana u soo noqday Safiirka Mareykanka  ee  Ethiopia intii dhexeysay sanadihii 2006-kii illaa 2009-kii.

Sidoo kale waxa uu soo noqday Wakiilka Jabuuti u qaabilsan Mareykanka sanadihii 2000 illaa iyo 2003-dii

Ergayga Cusub ee Soomaaliya loo soo magacaabay Donald Yamamoto ayaa haatan ahaa Madaxa qeybta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Qaaradda Africa.

Bishii Octobder ee sanadkii hore ayey aheyd markii Amb. Stephen M. Schwartz Safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya uu xilkaasi isaga casilay dano gaar ah.