Nairobi (Sh M Network)—Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Weerar dhanka cirka ahaa lagu beegsaday Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika ayaa lagu sheegay in Weerarkaasi oo dhacay Shalay lagu dilay ugu yaraan 3 Dagaal yahan oo ka mid ahaa Xarakada Al Shabaab.

Taliska Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in duqeyntaasi ay ka fuliyeen Degaan ka tirsan Gobolka Baay, oo qiyaas ahaan 75Km dhanka Galbeed uga beegan Magaalada Muqdisho.

Warkan ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu xusay in weerarka uu ahaa mid lagu caawinayay Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan in Mareykanka duqeyn ku dilay 3 ruux oo ka mid ahaa Xooagaga Xarakada.

Dhawaan ayee aheyd markii Taliska Mareykanka uu sheegay in weerar duqeyn ahaa oo ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya ay ku dileen Dagaal yahan ka mid ahaa Xarakada Al Shabaab.