Washington (Sh M Network)—Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in Weerar dhanka cirka ahaa lagu beegsaday Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo ku sugan Koonfurta Dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in Weerarkan uu ka dhacay Saaka Degaan qiyaas ahaan 260 km dhanka Koonfureed uga beegan Magaalada Muqdisho.

Taliska Mareykanka ayaa sheegay in Weerarkaasi ay ku dileen lix ruux oo ka mid ahaa Xarakada Al Shabaab.

Warkan ka soo baxay Mareykanka laguma sheegin Degaanka ama Degmada uu Weerarkan ka dhacay.

Mareykanka ayaa kordhiyay Weerarada dhanka ah Xarakada Al Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya, tan iyo markii uu ogolaaday Madaxweyne Donald Trump in la kordhayo howlgallada ka socda Soomaaliya.

Taliska AFRICOM ayaa xusay in labo weeraro oo siyaabo kala duwan u dhacay horaantii bashan in ay ku dileen ugu yaraan 4 Dagaal yahan oo ka mid ahaa Xarakada Al Shabaab.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ay uga jawaabayaan Warkan ka soo yeeray Mareykanka.