Washington (Sh M Network)—Taliska Mareykanka ee Qaraada Afrika (AFRICOM) ayaa waxuu sheegay in labo Weerar ay ka fuliyeen koonfurta Magaalada Muqdisho.

Waxaa Taliska AFRICOM uu shaaciyay in Weeraradaasi lagu beegsaday Xarakada Al Shabaab oo xiriir dhow la leh Ururka Al Qaacida.

Warkan ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Qaraada Afrika ayaa sidoo kale lagu xusay in ay socdaan qiimeyn lagu wado weeraradaasi.

“Waxaan qiimeyn ku wadnaa weeraro ka dhacay Koonfurta Caasimada Soomaaliya, oo aan ku beegsaday Xarakada Al Shabaab”, sidaasi ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Warsaxaafadaadkan ayaa lagu qeexay in dib warbaahinta looga soo sheegi doono waxii natiijo ah oo ka soo baxa qiimeynta lagu wado weeraradii ka dhacay Duleedka Muqdisho.

Taliskan ayaa xusay in ay sii wadayaan taageerida Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo wada howlgallo ka dhan ah Al Shabaab.

15 –ka bishii March ayee aheyd markii Madaxweynaha Dalka Mareykanka, Donald Trump uu ogolaaday in la kordhiyo weerarada lagu beegsado Xarakada Al Shabaab.