Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Dowladda Mareykanka ayaa si aad ah uga walaacsan xaaladaha ammaan xumo ee xilligan ka taagan Soomaaliya oo ay ka dhacaan qaraxyo iyo weeraro ay fuliyaan dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab.

Safiirka dowladda Mareykanka u fadhisa Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa sheegtay in ay si ay aad ah ugu xun yihiin dhibaatada ammaan daro ee ka jirta Soomaaliya.

Waxaana safiirada ay sheegtay in 14 kii bishan Magaalada Muqdisho ay ka dhacday musiibo weyn oo ay ku Naf waayeen ku dhawaad 400 oo ruux, tiro intaasi ka badana ay ku dhaawcmeen.

“Waxaan sii wadi doonaa taageerada buuxda ee aan siino ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya, si loo xoojiyo ammaanka dalka ”sidaasi waxaa tiri Nikki Haley oo shir jaraa’id ku qabatay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Ballan qaadka Nikki Haley ayaa imaanayo, xilli Mareykanka u bilaabay qorshe lagu dhimayo dhaqaalaha la siiyo ciidamada AMSIOM ee ka howlgala Soomaaliya.

Bishii June ee sanadkan ayaa waxaa Qaramada Midoobay ay sheegtay in ay dhimeyso 570 milyan oo dollar oo ku baxda howlgallada laga fuliyo Qaaradda Afrika.

Dowladda Mareykanka ayaa hore u sheegtay in ay kor dhin doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya oo dagaal xoogan kula jirta Xarakada Al Shabaab.