Washington ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay labo Jibaarayaan duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab ee ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in Al Shabaab dhibaato xoogan ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, islamarkaana Mareykanka dowladda Soomaaliya iyo AMISOM uu ka gacan siinayo sidii Dagaalyahannada Al Shabaab looga saari lahaa dalka.

Illaa iyo 500 oo Asakari oo ka socda xukuumadda Washington ayaa ku sugan Saldhigga Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay ka qaadaan duqeymaha ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.

Dhawaantani ayey aheyd markii taliska Mareykanka ee AFRICOM uu shaaciyay in duqeyn cirka ah oo ay ka geysteen deegaanka Kunyobarrow ee gobolka Jubadda Dhexe ay ku dileen xubin sare oo ka tirsan Al Shabaab.