Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson oo booqasho ku maraya qaar ka mid ah  dalalka geeska Afrika ayaa ballan qaaday in Mareykanka uu xoojin doono taageerada dhaqaale ee ay siiyaan Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya, si ay ugu guuleytan dagaalka ka dhanka Al Shabaab.

Mr Tillerson ayaa xusay in uusii wadi doono kulamada uu la yeelanayo guddoomiyaha Midowga Afrika Muuse Faki Maxamed, islamarkaana ay ka arrinsan doonan sidii Mareykanku u sii taageeri lahaa Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Sidoo kale Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku amaanay  Ciidamada nabad ilaalinta Midawga Afrika ee AMISOM dowrka ay ka ciyarayaan nabadeynta Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in Mereykanku uu la dagaalanka waxaa loogu yeero Argagixisadda ku qarash gareeyay Lacag gaareysa 140$M oo Dollar, si looga hortago qataraha kooxahaasi.

Hadalka xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa imanaya, xilli taliska howlgalka  AMISOM uu sheegay in ay la daala dhacayaan xilligani Miisaaniyad xumo.