Muqdisho ( Sh. M. Network )-Marwada Koowaad ee dalka Saynab Cabdi Macallim ayaa hambalyo ku aadan Maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso u dirtay Haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa ugu hambalyeysay Haweenka Soomaaliyeed xuska Maalinta 8-da Maaarso, waxayna dhambaalkeeda ku tiri:-

“Gabdhaha Soomaaliyeed waxaan idin leeyahay Hambalyo Hambalyo meel kasta oo aad joogtaan, waxaan idin leeyahay sanadkan sanadkiisa xiga ku gaara barwaaqo iyo bash-bash”.

Sidoo kale Marwo Saynab Macallim ayaa ka hadashay waxqabadka Haweenka , iydoo ku tilmaantay in ay yihiin lafdhabarta nolosha, islmarkaana ugu baaqday in ay u midoobaan danta guud ee Dalka.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.