Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa goor dhow Garoonka Aadan Cadde ee M/ Muqdisho ka soo degtay diyaarad siday maxaabiis Soomaaliyeed oo laga keenay dlaka Hindiya.

Maxaabiistan oo tiro ahaan gaaraya illaa iyo 76 ayaa laga soo daayay xabsiyo ku yaalla Hindiya, kadib markii ay dhameysteen mudadii lagu xakumay.

Ra’iisul wasareen ku xigeenka XFS, Wasiirka Cadaaladda, Xeer Illaaliyaha Qaranka iyo masuliiyin kale ayaa ku soo dhaweeeyay Garoonka Muqdisho.

Dhalinyarada la keenay oo wajiyadoodu ay ka muuqatay farxad ayaa u mahadceliyay dowladda fedefaalka ah ee Soomaaliya.

XFS ayaa horay ugu guuleystay in ay soo deyso maxaabiis fara badan oo ku xirnaa dalal ka mid ah Caalamka, waxaana tallabadaasi soo dhaweeyay shacabka Soomaaliyeed.