Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa maaanta magaalada Muqdisho lagu soo dhaweeyay 14 dhalinyaro ah, kuwaasi oo ku xirnaa Xabsiyada dalka Liibiya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud oo Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay dhalinyaradan ayaa sheegay in XFS ay mar walbo ka shaqeyneyso sidii ay wax ugu qaban la hayd muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalalka Caalamnka.

Waa qeybtii 3-aad muwadiniin Soomaaliyeed oo laga keenayo Liibiya, iyadoona weli Xabsiyada dalkaasi ay ku jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.