Maxaan ka baran karnaa Rwanda?

Waxaan nasiib u yeeshay in aan shaqo ganacsi u tago dalka Rwanda sanadihii u dhexeeyey 2008kii ilaa 2010kii ee aan saldhiga ganacsi ku lahaa dalaka Dubia, UAE iyo Nairobi, Kenya. Mudadaas waxaan fursad u helay in aan la kulmo madax ka tirsan dowlada Rwanda sida ( wasiirkii hore ee maaliyada Rwanda ( James Massoni) Madaxa hey’ada horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga ee dalka Rwanda ( Clare Akamanzi ) iyo former Rwanda Central Bank Governor (Francois Kanimba) ahna Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha. Taasi waxay ii masaabaxday in aan si qoto dheer u ogaado argitada dheer ee madaxweynaha dalkaas iyo sida ay uga go’neyd in ay ku talaabsadaan horumar lataaban karo mudo gaaban.   

Labaantan iyo sadex sano kadib dagaalkii qabiiliga ahaa ee sida xun u hareereeyey wadanka Rwanda. Maanta waxay ku tilaabsadeen horumar aad loola yaabay. Markaad eegto bilicda magaalada caasimada ah ee Kigali qalbigaaga kuma soo dhacayso in wadankaas uu ka dhacay dagaal sokeeye. Rwanda waxay hormood u noqotay wadamada Africada Bari  in ay kaga daydaan mamulwanaaga , la dagaalanka musuq maasuqa, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Waxaa hadaba is weydiin mudan :

  1. Maxaa sabab u ah horumarka ay Rwanda ku talaabsatay?
  2. Maxaase ka hortaagan wadankeena in uu gaaro horumar la mid ah midka Rwanda?
  3. Maxaanse ka baran karnaa horumarka ay Rwanada ku talaabsatay?

Sida aan la socono, burburkii qarankeenu wuxuu bilowday 1990dii.  Inkastoo dad badan ay aaminsanyihiin inuu sabab u ahaaa jabkii ka dhashay dagaalkii aan la galnay Ethopia  1977dii. Dadka falanqeeya siyaasada geeska Africa waxay aminsanyihiin  in horumarka Rwanda gaartay ay sabab u tahay Hogaanka madaxweynaha tallada haya ( Paul Kagame)  oo ahaa generaalkii hogaaminayey jabhaddii ku  guuleysetay in ay talada wadanka la wareegtay . Waxaa xaqiiq ah in markasta oo wadan galo dagaal sokeeye in uu ubaahanyahay hogaamiye adag oo leh  arigti dheer iyo xeel siyaasadeed oo qotodheer si uu u maareeyo caqabadaha ka dhasha  colaada sokeeye ee ku salaysan qabiilka iyo maamulxumida. Waxaa la isku raacsan yahay in Rwanda ay nasiib u yeelatay in ay heshay hogamiye daacad ah lehna aragti dheer oo u suuragelisay muddo yar gudeheed in uu kaga saaro marxaladii adkayd gaarsiyeyna iskufilaansho dhinacya badan taabanaya.

Dhinaca kale, Somalia waxay gashay dagaal sokeeye oo aan qorshaysnayn. Jabhadihii hogaaminayey dagaalkii sokeeye waxay ku salaysnaayeen qabiil mana laheyn siyaasad iyo hadaf mideysan oo dhaafsiisnaa in la rido dowladii jirtay. Taasi waxay keentay in ay u kala qeybsamaan qabiil qabiil,  kadibna  kooxo kooxo ay hogaaminayeen shaqsiyaad aan laheyn aragti qaran oo mideysan, muhiimadooda ugu weyna ay ahayd sidii uu  midba midka kale u majaxaabin lahaa . Taasi waxay dhashay in uu dagaalkii sokeeye sii dheeraado ayadoo soo dedijisay burburkii kaabayaasha dhaqaalaha iyo heyadihii dowliga ahaa. Siyaasadahaas burburka watay waxay horseedeen in wadanka taladiisii ay gacanta u gasho dad aan awood siyaasadeed iyo aqoon toona u lahany in ay maareeyaan caqabadaha ka dhashay colaada salka dheer ee wadankeena hareeraysay.

Kala qeybsanaantaas waxaa ka faa’ideystay cadowgii ummadda Soomaaliyeed  kuwaas oo durbadiiba  abuurtay wakiilo ay ku fushadaan danahooda gaarka ah iyagoo ku dhex jira hey’adaha amaanka, mudanayaasha golayaasha shacabka, ganacsatada, iyo howl wadeenada xafiisyada madaxtooyada iyo  dhamaan dowladaha maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe iyagoo isticmaalaya siyaasadihii laga dhaxlay gumeysiga reer galbeedka oo aheyd kala qeybi oo xukun.

Hadaba maxaan ka barankarnaa horumarka ay Rwanda ku talaabsatay? Waxaan qabaa in ay jiraan dad badan oo wali ay ku jirto wadanimo fog waxaase nasiibdaro noqotay in ay ku adkaatay in ay ka muuqdaan fagaaraha siyaasada. Somaliya waxay u baahantahay hogaamiye adag oo mideeya ciidamada qaran, aruurinta canshuuraha, isla markaana dib u habeeya hey’adaha cadaalada, waxbarasha, iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Soomaalidu waxay ku mahmaahdaa “ Sac ninkii lahaa gadaal uga fadhiyo ma kaco” wadan dadkiisii  burburkiisa horsed kayahay ma horumaro.  Waa in aan ka shaqeynaa sidii aan ku gaari laheyn dowlad wanaag cadaalad ku saleysan. Waa in aan ka gudubnaa  dawladnimada ku salaysan qabiilka (4.5ka) . Waa in aan ka gudubnaa doorashada golaha shacabka ee qabiilka iyo laaluushka lagu soo doorto.  Waa in la helaa heya’do si hufan ula xisaabtama masuuliyiinta ku takri fala xoolaha ummadda oo ay masuulka kayihiin.  Intaas markaan helno ayaan gaarikarnaa horumarka Rwanda ku talaabsatay oo kale.

Mahadsanidin

Ahmed Hundubey

International Banker/Financial Analysist

Calgary, Alberta. Canada

Hundubey.bashir@gmail.com