Washington ( Sh. M. Network )-Maxkamad ku taalla Mareykanka ayaa go’aamisay in aan Soomaaliya lagu celin karin illaa iyo 92 Qof oo Soomaali ah , kuwaasi oo ku xiran xabsi ku yaalla dalkaasi.

Qareenada u doodayay muwadiniintaasi ayaa ku andacooday in dalka Soomaaliya uusan xilligani ahayn mid ammaan ah, islamarkaana aysan suuragal ahayn in lagu celiyo dadkaasi.

Sidoo kale waxa ay sheegeen haddii Soomaaliya lagu celiyo ay suuragal tahay in ay ku biiraan Xarakada Al Shabaab, taas oo khatar weyn galineysa ah naftooda.

Maxkamadda ayaa amartay in dadkaasi aan dib loo celikarin, maadaama xaaladda ammaan ee Soomaaliya aysan weli ahayn mid la isku haleyn karo.

Dadka u dhaq dhaqaaq arrimaha Soomaalida ee dalkaasi Mareykanka ayaa kaalin lixaad leh ka ka geystay arrintaasi.

Boqolaal Qof oo Soomaali ah ayaa laga soo masaafuriyay Mareykanka, tan iyo markii Madaxweynihii hore ee dalkaasi Barak Obama uu ku dhaqaaqay qorshaha dib u celinta dadka aan u dhalan dalkaasi Mareykanka.