Baladweyne ( Sh. M. Network )-Xarakada Al Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay xukun ku riday laba nin oo ay ku eedeeyeen in ay Kufsi iyo dil ka geysteen deegaanka Buq-Aqable ee G/ Hiiraan.

Maxkamadda Al Shabaab ayaa sheegtay in raggaasi mid ka mid ah uu Kufsaday 4 haween ah, laba ka mid ahaana uu dilay, sida uu tilmaamay qaadiga Maxkamadda, halka mid ka kalena lagu eedeeyay in uu Kufsaday 2 Haween ah.

Waxaana Maxkamaddu Raggaasi ay ku xukuntay in lagu dhufto  min 100 Jeedal iyo in mid ka mid ah eedeysanayaasha laga qaado Diyada dumarkii uu dilay oo Al Shabaab ay sheegeen in ehalladooda ay dalbadeen.

Sidoo kale Xarakada Al Shabaab ayaa labadaasi nin ku kala xukumay 3 sano iyo 2 sano oo xariga ah.

Inta badan Xarakada Al Shabaab ayaa xukuno u badan dilal ka fuliya deegaanada ay ka arrimayaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.