Muqdisho ( Sh. M Network )-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta la horgeeyay illaa 5 eedeysane oo loo heysto in ay ku lug lahaayeen weerarkii 14-kii bishii October Sanadkii hore ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamad Qalabka Sida ayaa sheegay in Dacwadaasi maanta dib loo dhigay illaa Maalinta Khamiista ah ee soo socota.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u soo bandhigtay Sawirrada iyo Magacyada Rag lagu eegeynayo in ay ka dambeeyeen qaraxii Zoobe, kaas oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 300 oo ruux.