Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay Dacwadda ka dhan ah Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warasame, iyadoona burburisay go’aankii uu garsooraha Maxkamadda gobolka Banaadir uu ka gaaray dacwaddii loo heystay Siyaasigaasi.

Waxaana Maxkamadda Racfaanku ay u fasaxday Xeer Ilaalinta Dacwadda ku soo oogtay C/raxmaan Cabdi Shakuur in ay baaritaan ku sameeyaan dhammaan eedeymaha loo heysto Siyaasigaasi.

Sidoo kale Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa ka Mamnuucday Safarada dibadda ah Siyaasigaasi inta ay socdaan baaritaanada lagu hayo.

Dhinaca kale waxaa Ganaax Lacageed Maxkamadda Racfaanka Goblka Banaadir ay dul dhigtay Qareenadii u Doodayay C/raxmaan Cabdi Shakuur, kuwaas oo gaaraya illaa 8 Qareen.

Waxaana Maxkamaddu 5 ka mid ah Qareenadaasi ay ku xukuntay shaqo ka joojin muddo 2 bilood ah iyo in ay bixiyaan Lacag shilin Soomaali ah oo u dhiganta 2000 oo Dollerka Mareykanka ah, halka 3 kalena ay ku xukuntay in ay bixiyaan ganaax lacageed oo shilin Soomaali ah oo u dhigma $2000., kadib markii la sheegay in ay difaaci waayeen eedeymaha loo heysto Siyaasigaasi.

C/raxmaan Cabdi Shakuur iyo Qareenadii u Doodayay ayaan soo xaadirin fadhigii Maxkamadda, waxaana sidoo kale dibad joog ka ahaa Maxkamadda Warbaahinta