Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa markale dib loo dhigay Maxkamadeynta Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame, kaas oo la filayay in gelinka dambe ee Maanta la horkeeno Maxakamadda Gobolka Banaadir.

Arrintan ayaa lagu sheegay in ay la xariirto Codsi ka yimid Xeer Ilaalinta Dacwada ku soo oogtay Siyaasigaasi, si ay Cadeymahooda u soo dhameystiraan.

Waxaana dib loo dhigay illaa Beri oo markale Maxakamadda Gobolka Banaadir la hor geyn doono C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Shalay ayey ahayd markii Maxakamaddda Gobolka Banaadir uu ka soo muuqday Siyaasigaasi oo weli u xiran Dowladda Soomaaliya, laguna eedeynayo Qiyaano Qaran.