Khartoum (Sh M Network)—Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo baaqasho ku tagay Magaalada Khartoum ayaa ka dalbaday Dowladda Sudan in gacan laga siiyo Dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.

Madaxweyne Maxamed iyo dhigiisa Dalka Sudan, Cumar Al Bashiir ayaa ka wada hadlay arimo badan oo ku saabsan Xaalada Soomaaliya iyo howlgallada looga soo horjeedo Xarakada Al Shabaab.

Mudane Farmaajo ayaa u sheegay Madaxweyne Cumar Al Bashiir dhibaatooyinka ay haatan wajeyso Soomaaliya hadii ay ugu horeyn la heyd khatarta Xarakada Al Shabaab oo weli ku sugan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Waxaa Madaxweyne Farmaajo uu tilmaamay in Xukuumadiisu ay wado wax waliba oo lagu soo celinayo xasiloonida Soomaaliya.

Dhiniciisa, Madaxweyne Cumar Al Bashiir, ayaa marka soo dhaweeyay doorashadii uu ku soo baxay Madaxweyne Farmaajo, kuna tilmaamay mid u dhacday si ay ku qanacsanaayeen Bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Al Bashiir ayaa carabka ku adkeeyay in ay ku qanacsan yihiin Siyaasada Soomaaliya, maadaama buu yiri Madaxweyne Farmaajo uu qaaday tallaabooyin horseeday horumaro mudan in lagu amaano.

Dhinaca kale, Hogaamiyaha Dowladda Sudan ayaa shaaciyay in Xukuumadda Khartoum ay wado qorshe lagu soo gaba gabeynayo soo daabicida lacagaha Shilinka Soomaaliga, iyadoo ay muuqato in dabar go’ xoogan uu ku yimid lacagta Shilinka Soomaaliga.

Sikastaba, Dalka Sudan ayaa waxaa ku sugan ku dhawaad 6 kun oo Arday Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo wax barasho ay uga socoto Jaamacadaha kala duwan ee ku yaalla Dalka Sudan.