Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa xaley sharaf  waxa uu Madaxtooyada ugu sameeyey Golaha Amniga Qaranka

Casho sharafta waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul wasaare Kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Muudeey, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geele Xaaf, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, lataliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Amniga iyo Sidoo kale Taliyaasha Ciidamada qalabka sida, Nabad-sugidda iyo Wasiirada Xukuumadda Federaalka ee golahan Xubnaha ka ah.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo labadii maalin ee u dambeysay soo gaaray Muqdisho, ayaa u yimid ka qeybgalka Shirka Amniga Qaranka oo maanta lagu wado in uu ka furmo magaalada muqdisho.