Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta kulamo looga hadlayay amniga la qaatay saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Janaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa diirada lagu saarayay ammaanka magaalada Muqdisho iyo howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Shalay illaa iyo Xalay kulamo kala duwan la qaadanayay saraakiisha Ciidanka dowladda, isagoona Xalay ku hoyday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Waxaana kulamadan ay imaanayaan, xilli muddooyinkii dambe dhibaatooyin amni ay ka dhacayeen magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.