Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo) ayaa amray hawlgal qorsheysan oo ay nala fuliyeen saaxiibada caalamka ee ShaashWeyn oo bannaanka gobolka Benaadir ah halkaas oo lagu dilay horjooge sare ee kooxda maleeshiyaadka argagaxisada Al-Shabaab.

Horjoogahan kooxda argagixisada ka tirsan ayaa mas’uul ka ahaa qorsheyaasha lagu fulinayey qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacayay Muqdisho oo lagu dilay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Labadii usbuuc ee u dambeysay geesiyaasha Ciidanka Soomaalida ayaa bartilmaameysanyay kooxaha argagixisada jid gooyooyinka ay lacagaha baadka uga qaadaan shacabka, oo weliba weeraradaas mid ka ah lagu qaarajiyey horjoogihii Muqdisho u qaabilsanaa argagaxisada Al-Shabaab oo lagu magacaabi jirey Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal).

Madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa ayaa ay ka go’antahay in kooxaha argagixisada ah laga ciribtiro dalka, so shacabka looga badbaadiyo qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, tanoo shacabka Soomaaliyeed, kuwa Afrikada Bari iyo Caalamkaba dan u ah.

DHAMAAD.