Gaalkavyo ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha JFS Madane Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo” iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta G/ Mudug.

Waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulashada ku dhaqan koonfurta magaaladaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gaar ah la qaadan doono Madaxda Galmudug, waxgaradka deegaanada Maamulkaasi iyo qeybaha bulshada oo uu xog wareysan doono muddada uu joogo deegaanada Maamulkaasi Galmudug.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa booqan doono magaalooyinka Cadaado, Caabudwaaq, Dhuusamareeb iyo deegaano kale oo ka tirsan Maamulkaasi.

Shalay ayaa madaxweynaha Soomaaliya waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kadib markii socdaal maalmo qaatay uu ku soo bixiyay deegaano ka tirsan Puntland.