Nairobi (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ka jooga wadankiisa gudaha Soomaaliya ay baaqi kusii ahaan doonan inta amniga dalka dib loogu soo celinayo.

Kenyatta oo ka hadlayey Dugsi tababar ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay inay Qaramada Midoobay ay ka helaan lacago magdhow ah, kuwaasi oo la siinayo qoysaska wiilashooda ku baxay iyaga oo Soomaaliya ku sugan.

Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa qiray in caqabado kala duwan oo dhanka maaliyadda ay soo foodsaari doonto ciidamada wadankiisa ee qaybta ka ah AMISOM, balse wuxuu ugu baaqay inaanu udhutin.

Dowladda Kenya ayaa ciidamo ka badan Afar kun waxay usoo dirtay Soomaaliya bishii October ee sanadkii 2011-kii si ay ula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab oo fara kulul ku hayso amniga wadankaan Geeska Afrika dhaca.

Ciidamada AMISOM ayaa lagu wadaa inay dalka isaga hayaamaan sanadka 2020-ka, markaasi masuuliyada nabad-gelyadda guud la filayo in lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed oo diyaar-garow adag ku jira.

Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah