Muqdisho ( Sh. M. Network )-Iyadoo weli ay jiraan dadaalo lagu baadi goobayo dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa Meydad iyo dhaawacyo hor leh haatan laga soo saaray dhismaha Hotelka Safaari ee Magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 3 Qof oo Meyd ah iyo 1 dhaawac ah ayaa laga soo saaray dhisamaha Hotelkaasi, sida uu Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay Sheekh Maxamuud Xaashi Cali “Canshuur” oo ka mid ah dadka ku sugan halkaasi.

Waxaana uu sheegay in ay socdaan baaritaano lagu hayo dad weli ku hoos jira dhismaha burburay hoostiisa.

Sidoo kale Sheekh Maxamuud Xaashi Cali “Canshuur” oo ka mid ah Waalidiin fara badan oo baadi goob ugu jira Caruur ka maqan, ayaa sheegay in uu ka maqan yahay will lagu magacaabo Mustaf Cabdi Xuseen oo xilliga qaruxu dhacayay ku sugnaa nawaaxiga Hotel Safaari ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana uu ka codsaday Qof walba oo Nolo iyo Geeri meel ku og in ay ka caawiso helitaanka wiilkaasi ka maqan.

Shalay ayey ahayd markii qarax xoogan uu ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Degmada Hodan, kaasi oo geystay khasaaro xoogan oo isugu jira  Naf iyo maal intba.