Baladxaawo (Sh M Network)—Wararka laga helayo Magaalada Baladxaawo ayaa sheegay in Meydka wiil dhalinyaro ahaa laga helay Duleedka Baladxaawo.

Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Kooxo hubeysan ay wiilkan ka soo afduubteen Magaalada Baladxaawo balse meydkiisa oo ka muuqata rasaas lala dhacay lagu arkay Duleedka Baladxaawo.

Wiilkan ayaa sida la tilmaamay waxaa dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka ee Baladxaawo, iyadoona uu ka mid ahaa marxuumka Ardayda Magaalada Baladxaawo.

Weli lama oga sababta ka dambeysa dilka wiilkan dhalinyarada ahaa.

Majiro wax war oo ay ka soo saareen Maamulka Magaalada Baladxaawo oo ku aadan falka lagu dilay wiilkan ka mid ahaa dhalinyarada Magaalada Baladxaawo.