Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Dowladda Mareykanka iyo Ururka Midowga Afrika ayaa ka wada hadlay sidii hal meel loogu soo wada jeesan lahaa weerarada ay Al Shabaab ka geystay Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Dalalka Gobolka.

Safiirada dowladda Mareykanka ee Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa ballan qaaday in dowladeeda door weyn ka qaadan doonto sidii looga hortagi lahaa in bariga Afrika ay ka dhacaan weerar la mid ah kii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee ay dadka badan ku dhinteen.

Nikki Haley ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay ka go’antahay dagaal ka dhan Ururada ka dagaalama Qaaradda Afrika oo ay ka mid tahay Xarakada Al Shabaab.

Minate simate oo ka tirsan guddiga sare ee Ururka Midowga Afrika ayaa dowladda Mareykanka ka codsatay in ay Soomaaliya kala shaqeeyaan la dagaalanka Al Shabaab oo ay sheegtay in dhibaatooyin xoogan oo dhinaca amniga ah ay ku hayaan dalka.

Dowladda Mareykanka ayaa hore u sheegtay in ay sii wadi doonto duqeymaha dhinaca cirka ah ee ay ku qaado goobaha somaliya kaga sugan yihiin xarakada alshabaab