Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Ururka Madowga Afrika ayaa soo saaray warbixin Sanadeed ku aadan wax qabadkoodii Sanad-kii tagay iyo qorshaha Ururka ee Sanadkani 2018-ka

Guddoomiyaha Urur ka Midowga Afrika  Moussa Faki Mahamat ayaa ugu horreyn tibaaxay in ay hormaro la taaban karo ka sameeyeen soo deynta Muhaajiriin Si sharci darro ah loo kala iibsanayay, kuwaas oo uu sheegay in ay guulo ka gaareen sidii ay dib ugu celin lahaayeen Muhaajiriintaasi dalalkii ay ka soo kala jeedeen, iyaga oo kaashanaya hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa warbixinta Sanad laha ku soo hadal qaaday xaaladda Soomaaliya waxaana uu sheegay in ay ka go’an tahay dardar gelin-ta dadaalada lagu nabadeynayo Soomaaliya iyo in ay xoojin doonaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen soo afjarida khatarta Al Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan  in ka badan 20,000 oo Askari, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaas oo ku garabsiiya Ciidamada Dowladda dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab.