Adds Ababa (Sh M Network)—Kulankan oo looga hadlayay Xaalada howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxuu ka dhacay Magaalada Adds Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Madax ka socota Dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Nigeria iyo Uganda oo Ciidamo ka qeyb ka ah howlgalka AMISOM ay ka joogaan Dalka Soomaaliya.

Kulankan uu shir guddoominyay Madaxa Nabada iyo Amniga ee Ururka Midowga Afrika, Smail Chergui, ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka kala socda Dalalka Mareykanka, Britain iyo Xubno kale oo matalayay Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Yurub.

Guddiga isku xirka howlaha military ee howlgalka AMISOM, ayaa laga dhageysato warbixino ku saabsan howlgalka AMISOM ee ka socda qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Guddigan ayaa sheegay in howlgalka AMISOM uu u baahan yahay dhaqaalo, si loo wado taageerida Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Dagaalka kula jira Xarakada Al Shabaab.

Waxaa sidoo kale ay xuseen in ay jirto baahi loo qabo Ciidamo dheeraad ah oo lagu soo biiriyo howlgalka AMISOM, maadaama dhawaan Golaha Amaanka ay muddo kordhin u sameeyeen howlgalka AMISOM.

Guddigan ayaa shirka ka sheegay in howlgalka AMISOM uusan sii socon karin ilaa Ciidamo dheeraad ah lagu soo biiriyo howlgalka haatan ka socda Dalka Soomaaliya.

Dhawaan ayee aheyd markii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay muddo kodhin hal sano ah u sameeyeen howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.