Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ururka Midowga Afrcikaayaa si diiran u soo dhaweeyay shirka looga hadlayo sidii fududeyn lahaa socdaalka dal ku galka wadamada  xubnaha ka ah Urur goboleedka IGAD.

Ku xigeenka Ergayga gaar ka ha ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Simon Mulongo, oo ka hadlayay shirka arrimaha socdaalka ee dalalka IGAD uga socda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay so dhaweynayan shirkaasi, islamarkana uu yahay mid muhiim ah, kaas oo horseedi kara kobac dhaqaale iyo isdhex-gal ka hirgala Gobolka.

Shirkani oo lagu wado in maalinta  Berri  ah la soo gabagabeeyo ayaa waxaa looga hadlayaa sidii socdaalka u dhaxeeya dalalka ku bahoobay Urur IGAD looga dhigilahaa mid bilaash ah, iyadoona ay ka qeyb galayan  xubno Sar sare oo ka tirsan Dowladda Federaal a ah ee Soomaaliya iyo Wakiilo matalaya wadamada xubnaha ka ah Urukaaasi.

Urur Goboleedka IGAD ayaa la aas aasay Sanadii 1996-kii, waxaana ka mid ah illaa 8 dal oo kala ah Kenya, Djibouti, Eritrea, South Sudan, Uganda, Sudan, Ethiopia and Somalia.