Jabuuti (Sh. M. Network)-Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Ururka Midowga Yurub oo booqasho ku tagay Xarunta Taliska Mareyka ee Africom ayaa kulamo la qaatay Saraakiisha howlgalka Africom.

Taliye  Esa Pulkkinen ayaa kulamadan uu la yeeshay Saraakiisha Africom ee Mareykanka ayaa waxey ka wada hadleen xaalada amaan ee Dalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale ay soo hadal qaadeen Dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab ee ka socda qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Saraakiishan ayaa isla gartay in muhiim ay tahay xoojinta howlgallada lagu taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ururka Midowga Yurub iyo Dowladda Mareykanka ayaa qeyb ka ah Dalalka taageerada siiya Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.