Rome ( Sh. M. Network )-Illaa 10,000 oo Qaxooti ah oo ku jira Xeryo ku yaalla Dalka Liibiya ayaa lagu wadaa in Sanadka 2018 loo qaado Dalal ku yaalla Qaaradda Yurub, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan Dowladda Talyaaniga.

Qorshahaas ayaa waxaa uu qeyb ka yahay dadaalo Midowga Yurub uu ku doonayo in lagu samata bixiyo kumanaan ruux oo ku xayiran Dalka Liibiya, kuwaas oo qaarkood loola dhaqmay si ka baxsan Ba’aadinimada.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Dalka Talyaaniga Marco Minniti oo wareysi siinayay Wargeyska la Repubblica ayaa sheegay ee Sanadka soo socda Midowga Yurub ay Liibiya ka qaadi doonto kumanaan muhaajiriin ah, iyagoo aan la kulmin khatar dhinaca safarka ah.

Arrintani ayaa timid, kadib markii Dowladda Talyaaniga ay Dalka Liibiya dhawaan ka qaaday 162 ruux oo ka soo kala jeeda Dalalka Itoobiya ,Soomaaliya iyo Yemen.

Qaxootigaasi laga qaaday Liibya oo badankood ahaa Caruur iyo Haween aad u taag darnaa ayaa waxaa ay tahay markii ugu horreysay oo muhaajiriin laga qaaday Liibiya lana gaarsiiyo Yurub, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Laanta Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Dalka Liibiya ayaa waxaa xilligan ku sugan 400,000 oo muhaajiriin oo ay ku jiraan 36,000 oo Caruur ah, sida ay shaaciyeen hay’adaha UNICEF iyo IOM oo Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca Caruurta iyo Socdaalka.