Cadaado ( Sh. M. Network )-Saraakiisha Ciidamada qeybta ka howgalka Atalanta ayaa bilaabay in tababar iyo daawooyin caafimaad ay siiyaan Ciidamada Maamulka Galmudug.

Saraakiishan ayaa sheegay in u jeedka tababarkan uu yahay sidii labada dhinac ay wada shaqeyn wanaagsan u yeelan la haayeen, islamarkaana loo sugi lahaa amniga Biyaha deeganada Maamulka Galmudug.

War Saxaafdeed ka soo baxay Taliska howlgalka Atalanta ee Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in tababaradan ay bixinayaan Saraakiil ka socota Dowladad Spain.

Waxaa sidoo kale ay xuseen in muhiim ay tahay in Biyaha Soomaaliya laga sifeeyo Kooxaha Burcadbadeedka Soomaaliyeed.

Biyaha Soomaaliya ayaa mararka qaarkood waxaa dhaca afduub Kooxo hubeysan ay kula kacaan Maraakiibta shesheeye ee isticmaalla Biyaha Soomaaliya.