Tripoli ( Sh. M. Network )-In ka badan 100 muhaajiriin Afrikaan ah ayaa geeriyootay, kadib markii Dooni ay la socdeen ay kula degtay xeebaha dalka Liibiya, sida ay sheegeen qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka Bani’aadanimo ee ka howlgala dalkaasi.

Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF ayaa sheegtay in horraantii bishan labo Doomood oo Cinjir ka sameysan ay ku degeen xeebaha Liibiya.

MSF ayaa xustay in 276 ruux oo ka mid ah muhaajiriintii saarnaa labadaasi Doomood la soo badbaadiiyay, lana geeyay magaalada Khoms oo illaa iyo 100 km dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Tripoli.

Dadka la soo badbaadiyay ayey hay’addu sheegtay in ay isagu jiraan Caruur yar yar, Haween Uur leh iyo weliba dad waaweyn.

In ka badan 1,500 oo ruux oo muhaajiriin ah ayaa sanadkan ku geeriyootay Badda Mediterranean, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka QM ee IOM.

Muhaajiriinta inta badan u Tahriiba dalka Talyaaniga ayaa waxaa tirooyinka ugu badan ay ka soo jeedaan dalalka Ethiopa, Eritrea iyo Somalia.