stanbul( Sh. M. Network )- Ciidamada ammaanka ee Turkiga ayaa gacanta ku dhigay 191 muhaajiriin ah oo ay ka jiraan Somali kuwaas oo doonayey in ay u sii gudbaan qaar ka mid ah dalalka qaarada Yurub.

Booliiska dalka Turkiga ayaa howlgalka lagu soo qabtay muhaajiriintaasi waxaa ka fuliyey qaar ka mid ah gobollada dalkaasi sida uu xaqiijiyey sarkaal ka tirsan ciidamada amniga

Dadka la soo qabtay oo ay ku jiraan caruur iyo haween ayaa waxaa ay ka soo kala jeedaan dalalka Ciraaq,Falastiin,Yemen,Somalia,afghanista,iyo Siiriya.

Qaar ka mid muhaajiriintaasi ayaa la sheegay in ciidamada ilaalada xeebaha  dalkaas ay ka soo qabteen  dadkaasi gobolka Aegean iyagoo doonayey in ay u safraan dhinaca dalka Giriiga isla markaana adeegsanayey doomo.

Dalka Turkiga ayaa waxaa sannadihii la soo dhaafay ka gudbay Malaayiin qaxooti ah oo ay ku jireen Somali kuwaas oo u sii gudbay qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub.